Shir muddo saddex maalin ah magaalada Muqdisho uga socday culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa galabta laga soo saaray war-murtiyeed qodobo dhoor ah ka koobnaa.
War-murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa lagu boggaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay howlgalada socda, waxaa sidoo kale culimada ku baaqeen in lala dagaalamo Al Shabaab.