Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Bulshada Bari la wadaagay uguna faanay waxqabadkiisa (Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda bandhigga waxqabadka maamulka 4-ta sano iyo qorshaha  sanadka 2023 oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Munaasabadda oo ay wadajir ugasoo shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxtooyada, ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Puntland 4-sanno ee lasoo dhaafay oo lagu soo gudbiyey qoraal iyo maqal iyo muuqaal, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay qorshaha dowladda iyo waxyaabaha hortebinta u leh sanadka 2023.

Waxaa bandhiga udub dhexaad u ahaa sida madaxweynuhu uga dhabeeyay balanqaadkiisii xiliga ololaha, oo ay meel sare uga jireen amniga, dhismaha ciidanka, isbedel siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda, hufnaanta maaliyadda , dhismaha waddooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay bulshada gobolka Bari, in waxa lasoo bandhigay ee la qabtay ku yimaadeen dadaal dowladnimo iyo ku dhiirasho, iyadoo dalka ay ka jireen duruufo kala duwan, sidaasi darteedna si meeshan meel kasii wanaagsan loo gaarona loo baahanyahay in lasii xoojiyo doorka bulshada ee ka qeyb qaadashada dowladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daroogo badan oo lagu soo qariyay kartoono ay ku qornaayeen Magaca Ronaldo oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah ragga loogu doon doonista badan yahay caalamka oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Raga oo loogu baaqay in aysan qarsan tacadiyada ay kala kulmaan Xaasaskooda !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---