Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada oo ansixisay heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika (Sawirro)

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo Al Shabaab, iyadoo toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo ka farxiyey bahda Isboortiga Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo taageeray codsi ka yimid madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Dalka dunida ugu quwada weyn oo caalamka weydiistay gargaar deg deg ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---