Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Madaafiic lagu weeraray xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne

Madaafiic ayaa caawa lagu garaacay qeybo ka mid magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan kuwaasoo daryankooda laga maqlay xaafadaha magaaladaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay iney maqleen dhawaqa illaa afar madfac oo ah kuwa loo yaqaano hoobiyeyaasha

Mid ka mid ah madaafiicdaas ayaa ku dhacay Xaafada Buundaweyn gaar ahaan agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne halka Saddexda kalena ay ku dhaceen laanta Nuur xawaad oo ka tirsan Xaafada Xaawa taako

Lama soo sheegin illaa hadda wax khasaaro ah oo ay geysteen madaafiicda caawa ku dhacday qeybo ka mid Xaafadaha Baledweyne

Laamaha amaanka magaalada Baledweyne ayaan ka hadlin madaafiicda Caawa ku dhacday magaaladaas oo la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab oo laga saaray bilihii la soo dhaafay inta badan degmooyinka iyo degaanada hoos yimaada gobolka Hiiraan iyo gobolada la deriska ah.

Related posts

Wasiir ka tirsan Xukuumada RW Rooble oo sheegay in Somalia uu ka jiro musuq-maasuq

Caydiid Ali

RW Xamse oo ku baxay xalinta Khilaaf hareeyey Mid ka mid ah Wasaaradaha Dowlada

Caydiid Ali

Saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---