Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Abdullahi Al Nuaimi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Salem Al Nuaimi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Danjiraha Qatar ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qadar.

Kulanka labada dhinac dhax maray ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Qatar u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowladda iyo dhameestirka mashaariic ay dalka ka wado.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna dowladan si weyn saameyn ugu laheyd dowladii hore uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasi caan ah oo shaaciyey Magacyada dalal diidan soo saarida Shidaalka Soomaaliya

Caydiid Ali

Muslimiinta Mareykanka lacag ku bixinaya soo qabashada nin toogtay arday muslimiin ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---