Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay Taageerayaasha Arsenal ee lagu xiray Magaalada Jinja

Ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal , kuwaa oo la xiray xilli ay u dabaaldagayeen guul kooxdooda ka gaartay dhigooda Manchester United.

Taageerayasahan la xiray oo gaarayay ilaa sideed nin oo xirnaa funnaanada kooxda ku ciyaarto ayaa guusha ay kooxdooda gaartay kaddib isugu soo baxay magaalada Jinja iyaga oo farxad la qeylinaya.

Ciidamada booliiska oo gaaray halka dhallinyaradan ku dabaaldagayeen ayaa si degdeg ah u xir xiray, waxaana booliiska sheegeen in dhallinyaradan la xirxiray aysan fasax u heysan in dabaaldeg sameeyaan.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in lasii daayay kooxda dhallinyarada ah ee dabaaldega loo xiray, waxa ayna booliiska sheegeen in ragan la daayay la siiyay digniin ku aadan in  aysan mar kale u laaban isku soo baxan oo kale.

Dalka Uganda waxaa ku badan taageerayaasha kooxaha ka ciyaara horyaalka Ingiriiska, gaar ahaan kooxda Arsenal oo sannadkan wacdaro dhigaya ,dagaalna ugu jira sidii ay horyaalka u qaadi lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay qaraxii Kismaayo & Geeridii Shaafi Raabi

Caydiid Ali

Golaha Wakiiladda Puntland oo saaka gudagalaya wax ka beddelka dastuurka iyo dedaalo socday oo…

Cabdi Cade

Jabhada ONLF oo hubka dhigeysa & heshiis cusub oo la kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---