Dowladda Sweden ayaa u muuqata mid lumineysa fursad weyn ay uga mid noqon laheyd waddamada ku bahoobay gaashaanbuurta NATO, waxaana rejo Sweden u egtahay mid ceel kusii dhaceysa.
Ra’isul-wasaaraha dalka Sweden, Ulf Kristersson oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa diyaar u tahay in Turkiga dib ula bilowdo wadaxaajood si ay xubin uga noqdaan gaashaanbuurta NATO.
Waxa uu sheegay ra’isul wasaaraha in uu shaqsi ahaan doonayo in lagu laabto wada-hadalkaasi, waxa uuna xusay in ay jiraan dad doonaysa inay carqaladeeyaan fursadaha dowladda Sweden uga mid noqon karto NATO sidoo kale fashiliyaan codsiga Sweden ee ku biirista Isbahaysiga NATO.
Hadalkan kasoo yeeray dowladda Sweden ayaa imaanaya xilli dowladda Turkiga hakisay dibna u dhigtay wadaxaajood ay kala yeelan laheyd dowladaha Sweden iyo Finland hamigooda ku aadan ku biirista NATO.
Madaxweynaha Turkiga ayaa horey u sheegay Sweden aysan ka fileynin taageerada Turkiga ee xubinnimadeeda NATO, kaddib dibadbax ka dhacay meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm dhamaadkii toddobadkii hore, kaas oo lagu gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com