Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Nabadoon ka tirsan waxgaradka beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Marxuum Muxyadiin Axmed Cumar ayaa lagu dilay xaafada Suuq Boocle oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir sida wararku nagu soo gaarayaan.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa Nabadoonka ku dilay meel ku dhow hoygiisa, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa sida caadada ah gaaray goobta uu ka dhacay dilkan, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano, inkastoo aan la sheegin cid ay dilkaas u soo xireen.

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, lamana garanayo sababta iyo cida ka dambeysay dilkiisa inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Lataliyaasha Madaxweyne Xasan oo Xukuumadda Xamse tilmaan xun ka bixiyay

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo shaacisay macluul buuxda oo ka dilaacday Woqooyiga Gaza

Caydiid Ali

Banaaan bax kale oo looga soo horjeedo Farmaajo oo la iclaamiyay in Daljirka lagu qabanayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---