Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Xasan Macalin oo ka qeybgalay Shir aan Caadi aheyn oo ka dhacay

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shirka 7aad ee aan caadiga ahayn ee guddiga farsamo ee heer wasiir ee Cadaaladda iyo Arrimaha Sharciga Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Accra ee dalka Ghana.

Guddiga ayaa waxa ay ka doodeen saddex heshiis oo saldhig u ah “Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika” si loo dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga qaaradda iyo soo jiidashada maalgashadeyaal calami ah.

Xeer-nidaamiyeyaasha heshiisyada: Aasaasidda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ee ku saabsan xuquuqaha hanti maskaxeedka, Aasaasidda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda ee ku saabsan Siyaasadda Tartanka Suuqa, Aasaasidda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda ee ku saabsan Maalgashiga.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xusan in hiigsiga heshiiska “Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika” uu hirgelinayo hal suuq oo xor ah, taas oo fursad weyn u abuureysa ganacsatada Soomaaliyeed.

“Bulshadeennu waxa ay caan ku tahay ganacsiga xuduudaha iskaga goosha, waana summad u gaar ah dadkeena marka qaaradda iyo dunidaba laga hadlaayo, sidaas darteed ayey dhismaha shuruucdaan muhiimmad gaar ah noogu leedahay” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Heshiisyadan ayaa waxaa hore uga soo shaqeeyey wasaaradaha ganacsiga ee Afrika, iyada oo wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dalkeenu ku lahayd kaalin wax ku ool ah oo sare u qaadeysa ganacsiga dalka.

Heshiisyada la ansixiyay ayaa loo gudbin doonaa shir madaxeedka Midowga Afrika oo qabsoomi doona bisha Febraayo ee sanadkan, taas oo fursad weyn u abuureysa kumannaan shirkadood oo Soomaali ah oo iminka la daalaadhacaya maqnaanshaha shuruucdan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro) Raisul wasaare Khayre iyo wafdigii uu horkacayey oo gaaray dalka Switzerland

Caydiid Ali

Tuugii ugu Wanaagsanaa dalka Masar oo la qabtay iyo Hadal heyn ka dhalatay !!

Cabdi Cade

Sargaal loogu tala galay in uu qalqal galiyo Axmed Madoobe oo is dhiibay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---