Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka digay qalalaase iyo fitno hurin ay degaanka ka wadaan maamulkii hore ee halkaas ka arrimin jiray kuwaasoo uu xusay iney bulshada iyo maamulka iska horkeenaan.
HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY
1994tii agagaarkeedii waxaa shacabka deegaankeena saaqay laba dareen: mid qowmi ah iyo mid diineed. Waxaa dareenka kiciyay ashqaas isu arkaysay hormood bulsho. Heerka baraarugga siyaasadeed iyo aqooneed ee shacabka oo hoseeyay awgeed ma dhicin in la iska baandheeyo dareenadii intii hormoodka isu arkaysay ay la shir timid. Halkaa waxaa ka biloowday halgano iyo halaagyo sodon sano ku dhawaad lagu balanbalay.
Dagaalkii 1995tii ku biloowday jihaad fii sabiililaah wuxuu 2010kii ku soo dhamaaday heeshiis hormoodkii dabkaa bilaabay loogu ogolaaday inay saliid iyo sonkor ka ganacsadaan. Waa goor gabdhihii la kufsaday, culumadii la baa’biyay, xijaabkii la manuucay, dhaqankii bulshadda la dhalan-rogay. Kuwii waagaa halaagaa ka taliyay waxay maantana hoosta ka shidayaan nacayb iyo isku dhac diimeed oo hubaal dhibtii horey u dhacday mid ka badan u geeysan doona dadkeena iyo diinteenaba.
Dagaalkii kale ee 1994tii ku biloowday xornimo ayaan rabnaa wuxuu isna 2018 horaanteedii ku soo dhamaaday aan kuwii ina laayay la heshiino xilli ay sii dhacayeen oo kuwa xukunka ku soo socda ee dihin aan dagaal kala hortagno. Ma suuroobin oo waynu baajin kari waynay kuwii wakhtigoodu dhamaaday; inkastoo qareenkeen inay soo aakhara-toosaan jecel nahay. Dagaalkaasina wuxuu ku soo dhamaaday in la isqoro xisbi mucaarid ah loona xusulduubo in markale dib loogu guryo-noqdo meeshii horay looga kacay.
Waxaa hagardaamadaa inoo horseeday waa go’aamadda caddiifadaysan ee kolba hormood aan cidna dirsadan ku dhaqaaqayo, shacab aan baraarugsanayna ku raacayo. Cadiifadahaas oo badankooda shidaal looga dhigo been-abuur iyo brobagaando.
Dhul Tulli-Guuleed ku yaal oo ay Oromo qaadatay majiro. Isku dhac mooye xasuuq meesha ka dhacay majiro. Afti Diridhabe qowmiyad kale lagu siinayo majiro. Jigjiga ay cid kale qaadanayso majirto; cid kale se way ku noolaan maanta iyo barriba intay magaalo tahay. Nidaam dhacay oo soo laaban majiro.
Nidaamyadda jaba waxaa la yidhaa waxay ku qaadataa ugu yaraan 10 sano inay yiqiinsadaan in aduunkay yaqaanaan tagay oo uuna dib u soo noqonayn. Nazi gii ka cararay jarmarlka ee u qaxay Latin America qaar baa ilaa 1960 xisbigoodii soo laabashadiisa ka shaqanayay oo isbadalkii aduunka ka dhacay ka indha-saabnaa! Rafashadda kali kuma nihin.
Aan taariikhda wax ka barano. Aan runtiyo beenta kala saarno. Aan cadiifadda ku badalno caqli-hadal.