Allbanaadir.com
NEWS

Kaar cad oo laga bixiyay Ciyaar kubadda cagta oo Yurub ka dhacday iyo Sababta keentay !

Ciyaaraha kubadda cagta adduunka waxaa caadi ah in garsoorka ciyaarta dhax dhaxaadinaya uu bixiyo labo kaar midkood jaalle oo digniin ah iyo casaan ama roose oo ah mid ciyaartoyda garoonka looga saarayo.

Ciyaar kubadda cagta oo dhaxmartay kooxaha gabdhaha ee Sporting Lisbon iyo Benfica ee ka dhisan dalka Purtigal ayaa la bixiyay kaar cadaan ah, waxa ayna noqotay markii ugu horeesay ciyaar kubadda cagta oo ka dhaceysa Yurub laga bixiyo kaarka cad.

Sharci cusub ayaa dhawwaan lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda cagta ee dalka Portugal, waxaana taageerayaasha kubadda cagta ee Purtaqiiska arkeen iyada oo garsooraha uu bixinayo kaar cadaan ah.

Ciyaarta u dhaxeysay kooxaha gabdhaha ee Sporting Lisbon iyo Benfica iyada oo socoto ayaa waxaa xanuunsaday qof fadhiyay kursiga keydka, shaqaalaha caafimaadka labada koox ayaana si degdeg ah ugu gurmaday una caawiyaan qofka xanuunsaday.

Markii la caawiyay qofkii xanuunsanaa ayaa la arkay garsooraha ciyaarta oo bixinaya kaarka cadaanka, taageerayaal badan ayaana fahmi waayay waxa uu garsooraha kala jeeday kaarka cusub uu bixiyay.

Kaarka cad ee laga bixiyay ciyaarta socotay ayaa loogu talo galay in lagu amaano kooxaha iyo ciyaartoyda marka ay ciyaar wannaag sameeyaan, sharcigan cusub ayaana ah mid loogu talogalay in lagu dhiirogeliyo ciyaar wannaaga iyo is caawinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay rag lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Saleebaan Xaglotoosiye oo ka hadlay xarig loo geestay Xaaskiisa iyo Cida uu ku tuhmayo

admin

Trump oo ka inkaarsaday Qaxooti shalay ku sii jeeday Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---