Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo Cafis u fidiyay askar la dagaalantay Ciidan isaga ka ammar qaata

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey askartii dhawwaan ka qeyb qaadatay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne Laftagareen ayuu ku sheegay in la cafiyay askartii ku lug laheyd dagaalkii ka dhacay guriga Wasiirkii hore ee Maaliyadda Fargeeti, kuwaa oo hadda ku xiran xabsi ay leedahay hay’adda nabad sugida .

Madaxweyne Laftagareen ayaa ku amray xafiiska xeer ilaalinta iyo hay’adda nabad sugida Koonfur Galbeed in xabsiga laga sii daayo askartii lasoo xiray, waxa uuna sheegay madaxweynaha cafiska uu yimid xilli lagu jiro hannaan dib u heshiisiineed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Ahmed oo shacabka Itoobiya u diray qeylo dhaan ku aadan dagaalka TPLF

Caydiid Ali

Biden oo ka hor yimid arrin Israel ka damacsan tahay Iran

Caydiid Ali

Xildhibaannada Digil iyo Mirifle oo tallaabo adag ku hanjabay haddii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---