Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la dardaarmay Ciidamo Dagaal loo diyaariyay (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray xarunta tababarka ciidamada taliska 60-aad ee xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh askarta uu la hadlay in aan la aqbalayn in askartii ilaalin lahayd shacabka in ay iyagu ku xadgudbaan oo dil ama dhibaato kalaba u geestaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaannada uu ka bilaabanaayo Koonfur-galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur-galbeed in ay dardar geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo ka furtay Farmaajo iyo Musharaxa uu taageerayo oo la ogaaday !!

Cabdi Cade

Somalia oo loogu deeqay 17 milyan oo dollar iyo arrin deg deg ah oo wax looga qabanayo

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab iyo dowlada Somalia oo War ka soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---