Allbanaadir.com
NEWS

Taangiyada Haramcad oo loo diiday in la siiyo Ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka

Dowladda Ukraine ayaa waddamada ku bahoobay gaashaan buurta NATO iyo dalalka kale ee xiriirka dhaw kala dhaxeeyo ka codsatay in ay ku taageeraan taangiyo iyo hub kale oo culus oo ay isaga difaacaan ciidamada Ruushka.

Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha Ukraine sida gaarka ah ugu gudbisay codsiga milatari, hasa ahaatee Jarmalka ayaa uga deeriyay Ukraine in ay siiso hub culus gaar ahaan taangiyo ay si gaar ah u dalbadeen.

Dowladda Jarmalka ayaa diiday in ay Ukraine siiso taangiyada casriga ah ee loo yaqaan Haramcad-2, go’aankan ayaana kasoo baxay dowladda Jarmalka kaddib shir ay yeesheen wasiirada gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO.

Kulankan ay yeesheen wasiirrada gaashaandhigga dalalka ku bahoobay gaashaanbuurta NATO ayaa ahaa sidii qaaraan dhinaca hubka ah loogu aruurin lahaa ciidamada Ukraine si ay isaga difaacaan duullaanka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa ka codsaday dalalka ku bahoobay gaashanabuurta NATO kaalmo milatari, hasa ahaatee dowladda Jarmalka ayaa uga deerisay Ukrane in  ay siiso taangiyada casriga ah ee loo yaqaan Haramcad-2.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sh. Sabah Al-Axmad Al-Sabah oo Warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha XDS & Saraakiil Mareykan ah Sh/dhexe ka bilaabay..

Caydiid Ali

Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka bilaabo Badda Soomaaliya marta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---