Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo kordhay dabkii caawa qabsaday qeybo ka md ah Suuqa Bakaaraha?

Waxaa goor dhow abaare 1:30am saq dhexe lagu guuleystay in xakameeyo dab xooggan oo caawa  qabsaday qeybo ka mid ah  Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Shacab kaashanaya laamana ammaanka ee dowlada iyo gaadiidka dab demiska ayaa ku guulaystay inay xakameeyaan dabkii labo saac ka hor ka kacay bartamaha Suuqa Bakaaraha.

Dabka oo ahaa mid xooggan isla markaana ay garab siinaysay dabayl xilligan magaalada ka dhacaysa ayaa gallaaftay meelo badan oo ka mida suuqa sida Dahabka, maacuunta, harqaanlayaasha iyo Tafaariiqda.

Inta badan dabka ayaa haatan la dembiyey, waxaana weli holcaya meelo kooban oo haatan lagu dedaalayo in la demiyo sida ay sheegayaan goob joogayal suuqa ku sugan.

Ganacsato fara badan ayaa la xaqiijyey iney ku hanti beeleen dabkan caawa qabsaday Suuqa Bakaaraha inkastoo aan la ogeyn illaa hadda qiyaasta hantida ku gubatay Suuqa.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi oo Ku sugan Goobta Dabku ka kacay ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan Qeybta dahablaha ayaa ciidanka amniga ee Booliska faray in ay sameeyeen feejignaan dheeri ah inta lagu jiro daminta Dabka oo haatan xoogiisa la damiyay.

Related posts

Xildhibaan Codsaday in Fariintiisa la gaarsiiyo Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo lagu amray in Nolol ama geeri ku keenaan dadkii ka dambeeyay …

Cabdi Cade

Dagaal culus oo dib uga qarxay dalka Sudan iyo Shacab badan oo la dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---