Dowlada Turkiga ayaa joojisay booqasho uu Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ku tagi lahaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga
Turkiga ayaa sidoo kale u yeertay Safiirkeedii u joogay waddanka Sweden waxaana sii xumaanaysa xaaladda diblumaasiyadeed ee labada dal.
Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar wuxuu sheegay go’aankaasi inuu yimid kaddib marki ay hay’adaha dowliga ee Sweden ay oggolaasho siiyeen inuu magaalada Stockholm uu ka qabsoomo dibad bax looga soo horjeeda Turkiga.
Rasmus Paludan oo ah siyaasi Denmark iyo Sweden ka soo jeeda wuxuu isku dayey inuu qur’aanka kariimka u uku horgubo safaaradda Turkiga.
Taageerayaasha Turkiga iyo Kurdiyiinta ayaa sida oo kale qorsheynayey iney halkaasi mudaharaad ka dhigaan.
Wasiirada Turkiga iyo Sweden ayaa lagu waday in ay ka hadlaan diidmada Ankara ee ku aaddan in Sweden ay ku biirto Gaashaanbuurta NATO
Dawladda Sweden ayaa hoggaamiyaha xisbiga Midigta fog u ogolaatay in uu maanta oo Sabti ah Kitaabka Quraanka Kariimka ah ku hor gubi karo Safaaradda uu Turkigu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Stockholm.
Xukuumadda ayaa gelinkii dambe ee shalay Jimcihii soo saartay go’aan ogolaansho loogu siinayo in Rasmus Paludan uu gubo Kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Ninkan oo ku caan baxay daan daansiga Muslimiinta iyo ku jees jeeska Muqaddasaadka lama taab taanka ah ayaa marar badan sameeyey ficillo kuwan la mida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com