Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Yurub oo dal dhan ciidamadiisa ku daray liiska argagaxisada

Midowga Yurub ayaa sheegay inay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogoyaan ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran, ka dib markii maalin ka hor uu baarlamaanka Midawga Yurub uu ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada.

Baarlamanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran lagu daro liiska argagixisada, iyaga oo ugu baaqay guud ahaan Midawga Yurub inay “ballaariyaan liiska cunaqabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha iyo xataa qoysaskooda” ee u dhashay Iran, kuwaas oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Talaabadan ayaa la qaaday iyada oo looga jawaabayo gacanta adag ee laamaha ammaanka ee Iran ay kula dhaqmeen mudaaharaadyada dawladda ka soo horjeeda iyo xukunno dil ah oo xigay iyo weliba dilka dibad baxayaasha loo geystay.

Afhayeenka xafiiska arrimaha debedda ee Jarmalka ayaa u sheegay saxafiyiinta in Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub oo ku shiraya Brussels in la filayo inay ansixiyaan cunaqabatayno dheeri ah oo lagu beegsanayo xubnaha ciidanka ilaalada kacaanka Iran.

Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA, ayaa ku warameysa in madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi uu Khamiistii sheegay in qaraarku uu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay.

Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasser Kanaani ayaa ka jawaabay codbixinta isagoo sheegay in ciidanka ilaalada kacaanku uu yahay “kan ugu weyn ee qaabilsan la dagaalanka argigixisada”, sababta oo ah waxa ay ka shaqeeyaan inay ka horyimaaddaan Israel oo ah “waaxda argagixisada ee ugu weyn dunida, boqortooyada Ingiriiska oo ah aasaasohooda iyo Maraykanka oo ah cidda ugu weyn ee maalgelisa”.

Related posts

Garsoorayaal ku baaqay in Doorashada Madaxweynaha Puntland laga reebo C/Wali Gaas

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Gorgor & Haramcad oo lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo raadinaya hooyo iyo wiilasheeda oo dil argagax leh geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---