Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo dhawaan degmadaas lagala wareegay.
Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ragga la soo qabtay waxaa ku jira saraakiil
Waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay:
1-Cabdirashiid Macalin Cali (Durdurshe)
2-Cabdi Gaanyaco
3-Iyo Mascuud Cali Lugey.
Saraakiisha ciidamada DF ayaa sheegay in raggan la soo qabtay iyagoo dhuumaaleysanaya, ayna u gudbin doonaan heyadaha cadaalada dalka si sharciga loo marsiiyo.
Ciidamada dowlada ayaa baaritaano ka wada degaanadii ay kala wareegeen Al-shabaab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyago ugaarsanaya xubnaha ka tirsanaa kooxdaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com