Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen cutubyo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu Jiray leyli sarkaal iyo Leyli Saraakiil Xiggeen, kuwaaso isugu Jiray ciidamada Cirka, Dhulka, iyo Badda .
Ciidamadan Tababarka loo soo xiray waxay muddo 12 bilood ah tababar ku qaadanayeen Dugsiga tababarka Turksom ee ku yaalla Degaanka Jaziira.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ee ay dawladda Turkigu u garab taagan tahay Ciidanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan dawladda Soomaaliyeed.
Maxamed Shiikh Mursal ayaa kula dardaarmay Saraakiishii iyo Saraakiil xigeenadda dhameystay tababarka inay u istaagaan difaaca iyo Ilaalinta Qaranka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com