War saxaafadeed kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa lagu oo dhaweeyay dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya ee lagu hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka.
Beesha caalamka ayaa si gaar ah u soo dhoweysay dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.
”Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha caalamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com