Maxkamad kutaalla dalka Itoobiya ayaa xukun dil ah ku riday aabbe lagu helay in si arxan darro ah u dilay labo wiil uu dhalay, waxaana dilka uu geestay aabahan si weyn uga naxay bulshada deegaankii uu kunoolaa.
Aabahan xukunka dilka ah lagu riday oo lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in uu dilay mid kamid ah wiilashiisa halka midka labaadna uu aasay isaga oo nool sidaana ku geeriyooday.
Xeer ilaaliyaha gobolka Baale ee deeganka Oromada ee dalka Itoobiya Kadir Abdaa ayaa sheegay in ciidamada ammaanka soo qabteen aabahan sida arxan darrada ah u dilay labada wiil uu dhalay oo xoolo la raaci jirtay.
Sida warbaahinta Itoobiya ku warameen aabahan ayaa xilliga uu dilayay wiilashiisa la raaceen lo’, waxa uuna markii uu soo laabtay hooyadood u sheegay in ay ka lumeen wiilasha, hasa ahaatee baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in aabahan dilay wiilashiisa.
Deegaanka uu dilkan ka dhacay isbuucyo kahor ayaa aad uga naxay falkan uu ku kacay aabaha kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dadka qaarkood soo dhaweeyeen xukunka dilka ah ee maxkamada ku riday aabaha dilka geestay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com