Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur: “Waa nasiib daro inaan weli cashar laga baranin weerarada cadowga”

Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gaashaanle Xassan Cismaan Tuure, taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab iyo ciidankii saaka ku geeriyooday weerarkii degaanka Galcad ku qaaday Al-shabaab

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Gaashaanle Xassan Tuure ku sifeeyay inuu ahaa geesi aan xabbadda ka gaban, laf-dhabarna u ahaa dagaalka Al-shabaab.

“Allaha u naxariisto Gaashaanle Xassan Cismaan Tuure, taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab, saraakiishii kale iyo ciidankii saaka ku shahiiday weerarkii gaadmada ahaa ee ay argagexisada ku soo qaadeen degaanka Galcad” ayuu yiri Ergayga abaaraha

Waxaa ii nasiib daro ku tilmaamay in Alshabaab ay maalin kasta tab isku mid ah ciidankii ku laynayaan. “Xasan wuxuu ahaa geesi aan xabadda ka gaban, laf-dhabarna u ah dagaalka argagexisada, cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa maalin kasta, waana nasiib daro” ayuu intaas ku daray

Maalmo ka hor ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka hadlay sida xowliga ah ee saraakiisha hoggaaminaya howlgallada dib u xoraynta loogu laynayo weeraro gaadmo ah oo aan wax casharo ah laga baranin.

Mar uu ka hadlayay dilkii Kornayl Abshir Maxamuud (Shataqeey) oo kamid ahaa saraakiishii lagu dilay weerarkii Xawaadley, ayuu sheegay inay gabood fal tahay in halyeeyada naftooda u huray dagaalka argagixisada si fudud lagu ugaarsado.

Shan sarkaal oo ka mid ahaa saraakiishii laf dhabarta u ahaa howlgallada dib u xoraynta Galmudug iyo Hirshabelle ayaa labo todobaad gudihiis lagu dilay weeraro ka kala dhacay, Muqdisho, Halgan, Hilowle-Gaab, Xawaadle iyo Galcad, waxaana intooda badan lagu dilay weeraro xilio aroor hore ah Al-shabaab ku qaadeen xeryo ay ku sugnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Interpol (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo awood iyo Xeylad u adeegsanaya in mar kale noqdo Madaxweyne

Cabdi Cade

(Sawirro) Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyada Mareykanka oo ka hadlay Booqashadiisii Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---