Faahfhaahino hordhac ah ayaa ka soo baxaya dagaalo ka dhacay saaka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo waaberigii kooxda Al-shabaab ay ku soo qaaday weerar iskugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah.
Ciidamada dowlada iyo dadka hubeysan ee degaanka ayaa la sheegayaa iney iska caabin adag kala hortageen Al-shabaabka soo weeraray, khasaaro xoo leh ayaana la soo sheegayaa inuu soo gaaray labada dhinac.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay xeryaha ay ciidamada xoogga dalka ee Danab ku leeyihiin nawaaxiga degmada Galcad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaraar noo gacanta la iskula tagay.
Taliye ku-xigeenka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa la sheegay inuu ku naf waayey dagaalka.
Warar kale oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in dayuuradaha wax duqeeya ee Mareykanka ay gaareen degaankaas, iyagoo taageeraya ciidamada dowlada, iska markaana duqeynaya goobaha ay ka dagaalamayaan Al-shabaab.
Sidoo kale, Ciidamada Macawisley oo ku sugan inta u dhexeysa degaanada Moqokori iyo Ceel qooxle ayaa u dhaqaaqay degmada Galcad si ay ugu gurmadaan ciidamada DF ee halkaas ka dagaalamaya.
Qaraxyo waaweyn iyo rasaas cdulus ayaana halkaas laga maqlayey illaa waaberigii saaka, waxaana aad u adag in la helo warar madax banaan isgaarsiinta degmada Galcad oo ciriiri ah awgeed.
Al-shabaab ayaa sheegatay iney weerarkii Galcad ku dishay 159 askari oo isugu jira saraakiil iyo askarta ay tababareen Mareykanka iyo Turkiga ee loo yaqaano Danab iyo Gorgor.
Soddon baabuur ayay kooxda sheegatay inay ku qabsadeen dagaalka ayna qabsadeen saldhigii ciidanka Danab.
Dhanka dowladda Soomaaliya weli ma jiro faahfaahin ku saabsan Khasaaraha dagaalka oo kasoo baxay balse warbaahinta dowladda ayaa baahisay in kooxdii weerarka soo qaaday dagaalka lagu jebiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com