Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Puntland oo shaaciyey magaca & sawirka nin dil geystay oo la raadinayo

Taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa baadi goobaya nin loo heysto inuu dil ka geystay Degmadda Bursaalax ee gobolka Mudug.

Qoraal ay Booliska Puntland ku baahiyeen baraha bulshadda ayey ku sheegeen in ninka la baadi goobayo lagu magacaabo Bashiir Cumar Cigaal Cilmi (Ina Cumar Jawaan).

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA OO DHAMEYSTIRAN  

WANTED: Booliska Puntland ayaa raadinaya nin dil ka geystay Degmadda Bursaalax

Ciidanka Booliska Puntland ayaa raadinaya nin lagu eedeyay inuu dil ka geystay Degmadda Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Ninka la raadinayo, ayaa lagu magacaaba Bashiir Cumar Cigaal Cilmi (Ina Cumar Jawaan) Telephonekiisu yahay +252907616677 ( Golis), waana nin hubeysan.

Waxaa loo raadinayaa arrimo la xiriira 2 muwaadin oo reer Puntland ah kuwaas oo u dil ugu geystay Degmadda Bursaalax.

Dhacdadan ayaa dhacday taarikhdu markay aheyd 15.01.2023

Qofkasta oo garanaya halka uu joogo waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka Booliiska Puntland Tell: +252905500000

Booliska 999 nambarka degdega ah ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Cabdiwali Colaad Gaatamow oo caawa lagu dilay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Hadii aan maanta ahaan lahaa Madaxweyne Xasan sagaalkan tallaabo ayaan qaadi lahaa

Cabdi Cade

Maxaa dhacay markii David Cameron uu soo wacay qof isaga dhigay Madaxweyne hore ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---