Al-shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay iyo dagaal toos ah ku qaaday degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya.
Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in ilaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Saldhigyada Ciidamada ee degmada Galcad, waxaa halkaasi ka socda dagaal qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weerarka iyo dagaalka tooska uu ku dhintay Taliye ku-xigeenka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo ka mid ahaa Saraakiisha hoggaamineysay howlgallada.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaan weli ka hadlin dagaalka, balse Al-Shabaab ayaa ku sheegtay warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka inay weerarka kula wareegeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale, warbaahinta DF ayaa sheegtay in Al-shabaab lagu jebiyey weerarka ay ku soo qaadeen degmada Galcad khasaare xooggana loo geystay.
“Khawaarijta ayaa saaka lagu jabiyay weerar nafla caari ah oo ay ku soo qaadday Magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. Xaaladda Magaalada ayaa hadda deggan waxaana si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Deegaanka. Waxaa jira khasaaro badan oo la gaarsiiyay kooxda khawaarijta ee weerarka soo qaadday” ayaa lagu yiri war laga sii daayey warbaahinta DF.
Waxaa weli cakiran xaalada degmada Galcad, iyadoo ay adag tahay in laga warar helo sugan oo la xiriira sida ay wax u socdaan, sababo la xiriira isgaarsiinta oo ciriiri ah.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com