Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kaalintee Somalia kaga jirtaa dalalka Carabta ee ugu qiimaha jaban Internetka?

Qiimaha Internetka ee Halkii GB ee Dalalka Carabta oo la soo bandhigay & Kaalinta uu dalkeena ka galay

Warbixin lagu daabacay Websaytka Shirkadda Cable ee UK ee daraaseysa Tayada, Qiimaha iyo Xawaaraha Internetka ee Caalamka ayaa waxay soo bandhigtay Qiimaha Isticmaalka Internetka ee dalalka Carbeed.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey Qiimaha Heerka Halbeega Internetka ee Halkii Gigabyte (GB) ee ay Shirkadaha Carbeed ee bixiya Adeegyada Isgaarsiinta, gaar ahaan Adeega Khadka Internetka ee Mobaylada ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Warbixinta waxaa lagu xusay inuu Waddanka Yemen yahay dalka Carbeed ee ugu qaalisan Qiimaha Halkii GB oo Internet ah, halka dalka Algeria uu ka yahay Dalka Carbeed ee ugu Qiimaha jaban ee Halkii GB ee Internet ah.

Qiimaynta Qiimaha Isticmaalka Halkii GB ee Internetka dalalka Carbeed waxa uu dalkeena ka galay Kaalinta 4-aad, iyadoo Adeega Halkii GB looga iibiyo Macaamiisha lacag dhan 0.63 Dollar.

Inkastoo Warbixinta ku sheegtay Qiimahaasi inay Shirkadaha Internetka Somalia ku bixiyaan, haddana waxay Macaamiisha si joogta ah uga cawdaan Internet Xawaarihiisa Liita ama uu Khadku si joogta ah u go’ xilliyada Xasaasiga ee ay Adeega Internetka aadka u isticmaalaan.

Laakiin, marka docda kale laga eego waxaa hubanti ah in Dhowrka Shirkadood ee bixiya Adeega Internetka Mobaylka ee uu Tartanka Ganacsi ka dhexeeyo ay fududeeyaan Helitaanka Adeegaasi oo ay Malaayiin Macaamil oo u badan Dhallinyaro ay ku wada xiriiraan.

Ka Suxufi ahaan waxaan Adeega Internetka Mobaylka  u isticmaalnaa Hawsheena Warbaahineed iyo inaan Mujtamaca u soo gudbino Wararka, Warbixinada iyo Macluumaadka Guud ee Deegaanka, Bulsho iyo Siyaasad.

Waan dareenaa Culays dhanka Internetka, balse, waxaan kala mid nahay Macaamiisha kale ee u dulqaata Khadka Culus ee aan lahayn xawaare dedejin karna Baahidaasi.

Si kastaba, waan rajeynayaa inay Hawl-wadeenada Shirkadaha bixiya Adeegyada Internetka dalka, gaar ahaan Caasimadda ay tixgelin doonaan arrintaasi iyo inay kordhin doonaan Xawaaraha Khadka iyo  baahida Taawarada Anteenooyinka ee qeybta ka ah Caqabadahaasi.

Halkan ka akhriso Liiska Kaalimaha Dalalka Carbeed ee Qiimaha Adeega Internetka Mobaylka ee Halkii Gigabyte (GB):

1- Dakka Algeria    Halkii GB waa 0.48 Dollar,

2- Dalka Libya       Halkii GB waa 0.61 Dollar,

3- Dalka Urdun      Halkii GB waa 0.63 Dollar,

4- Dalka Somalia   Halkii GB waa 0.63 Dollar,

5- Dalka Iraq        Halkii GB waa 0.68 Dollar,

6- Morocco           Halkii GB waa 0.69 Dollar,

7- Dalka Kuwait    Halkii GB waa 0.71 Dollar,

8- Dalka Sudan     Halkii GB waa 0.75 Dollar,

9- Dalka Masar     Halkii GB waa 0.93 Dollar,

10- Baxrayn         Halkii GB waa 1.17 Dollar,

11- Tunisia           Halkii GB waa 1.21 Dollar,

12- Sacuudiga       Halkii GB waa 1.21 Dollar,

13- Falastiin          Halkii GB waa 2.05 Dollar,

14- Cumaan          Halkii GB waa 2.92 Dollar,

15- Lubnaan          Halkii GB waa 3.00 Dollar,

16- Imaaraadka     Halkii GB waa 4.29 Dollar,

17- Qatar              Halkii GB waa 6.87 Dollar,

18- Syria               Halkii GB waa 8.57 Dollar,

19- Yemen            Halkii GB waa 16.58 Dollar.

W/Q: Nuradin Ahmed Dini

 

Related posts

Booliiska Muqdisho oo gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha maanka dooriya

Cabdi Cade

(Sawirro) Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Sacuudiga oo qaaday talaabo dharbaaxo ku ah taageeradii ay u muujisay dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---