Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka gobolka Benaadir oo ka laabtay amar uu bilo ka hor soo saaray

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in dib loo bilaabayo Canshuurtii ay dowladda hoose ka qaadi jirtay guryaha Magaalada Muqdisho.

Canshuurta ayaa Maamulka gobolka Banaadir uu joojiyay 24-kii Bishii Octoober ee sanadkii tegay ee 2022 si dib u habeyn loogu sameeyo nidaamka canshuur qaadista.

Afhayeenka Maamulka G/Banaadir Saalax Cumar Xassan ayaa sheegay in sababaha horay loogu joojiyay qaadista lacagaha guryaha ay aheyd in la hagaajiyo nidaamka Maaliyadeed & hanaanka qaadista Canshuurta Guryaha si loo xaqiijiyo hufnaan & daah-furnaan kor u qaadi karta kororka dakhliga soo gala Maamulka Gobolka.

Maamulka ayaa dhinaca kale ku amray milkiilayaasha Guryaha burbursan ee ku yaalla Magaalada Muqdisho in dib u dhistaan si ay qeyb uga noqdaan bilicda caasimadda, isla markaana Maamulka gobolka Banaadir uu diyaar ula yahay fududeynta arrintaasi.

Amarka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli Maamulka gobolka uu Canshuur farabadan ka qaado Shacabka muqdisho, balse aan loogu qaban waxyaabihii muhiimka ahaa oo ay u baahnaayeen waxaana burbur xoogan uu ka jiraa dhismayaasha jidadka intooda badan iyo adeegyada kale ee bulshada.

 

Related posts

Weerar lagu qaaday guri kuyaalla Duleedka Nairobi oo lagu soo xiray Saraakiil Kenyan ah oo…

Cabdi Cade

Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Dhalinyaradii Gobalka Banaadir shaqo abuurka u sameeyay

Caydiid Ali

Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air oo duulimaad ka bilaabeysa Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---