Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga Wada xaajoodka Arrimaha Federaalka (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah la yeeshay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta dalka, oo uu Madaxweynuhu magacaabay 14-kii January 2023.

Madaxweynaha ayaa Guddiga uga warbixiyey marxaladaha Dowlad dhiska Soomaaliya laga soo maray iyo Shirarkii ugu danbeeyay ee Puntland ka qeybgashay ee ay isugu yimaadeen Madaxda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan, isagoo la wadaagay Guddiga faahfaahinta qodobadda bud-dhiga u ah Arrimaha Hadda taagan.

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Federaalaynta Dalka ayaa ka kooban Goleyaasha Dowladda iyo Khuburo ay ku jiraan siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland oo xog ogaal u ah doodaha socda.

Madaxweyne Deni ayaa dhowaan soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka ka dib Go’aankii Puntland ka soo baxay 9-kii Jan 2023 ee la xiiiray iney u dhaqmeyso si ka madax banaan DF inta laga dhameystirayo dastuurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hoggaamiyaha Golaha sare ee Sudan

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Garawe iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Weerar ka dhacay Sh/hoose & khasaare xoog leh oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---