Allbanaadir.com
NEWS

Nin Lacag ka badan Labo Milyan oo dollar ku bixiyay in caawa la kulmo Ronaldo Iyo Messi

Dalka Sacuudiga caawa waxaa ka dhacaya ciyaar aad u xiiso badan oo dhax mari doona labo kooxood ay kala hoggaamin doonaan labada ciyaartoy ee ugu magac dheer xilligan kubadda cagta ee Messi iyo Ronaldo.

Ciyaarta caawa ka dhaceysa Sacuudiga ayaa waxaa isku wajihi doona isku darka ciyaartoyda kooxaha Al Nassr iyo Al Hilal oo kaga hortagi doona ciyaartoyda naadiga Paris Saint-Germain ay u ciyaarayaan Messi, Mpepe iyo Neymar.

Ka sokow ciyaartan waxaa soo baxaya sheekooyin dad badan aad ula yaabeen, waxaana lasoo tabiyay nin ganacsade Sacuudiyan ah ah in lacag ka badan 2 Milyan oo pound ku bixiyay si uu caawa u daawado una arko labada ciyaatyoy  ee Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Mushref Al-Ghamdi oo ah ganacsade ka shaqaysta suuqa hantida ma guurtada ah (Real Estate) ayaa lacag dhan 2.2 Milyan pound ku bixiyay tikidh VIP ah oo uu kulankaas ku daawan doono, sidoo kale Ronaldo iyo Messi kula kulmayo marka ciyaarta dhammaato.

Ninkan hantida badan ku bixiyay la kulanka ciyaartoyda dunnida ugu magaca dheer ayaa sidoo kale loo ogolaan doonaa in uu galo qolka labiska labada koox si uu ugu hambalyeeyo kooxdii guulesata una arko xiddigaha magaca ku leh kubadda cagta.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhaqaale badan ku bixisay qabsoomida kulankan dhax mari doona xiddigo laga soo xulay kooxaha Al Nassr iyo Al Hilal uu hoggaamin doono Ronaldo iyo xiddigaha kooxda PSG.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Waare oo Jowhar u tegay fulinta hal qorshe oo ku wajahan Xildhibaanada ku kacsan

Caydiid Ali

Daawo: Muxuu Madaxweyne Farmaajo u sheegay arday uu iskuulka ku booqday?

Caydiid Ali

Musharax Khayre: “Waxaan ka badbaadnay saaka isku day dil oo la soo qorsheeyey”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---