Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto inuu dil geystay.
Ninka la qabtay oo aan magaciisa la sheegin ayaa loo heystaa inuu Muwaadin lagu magacqabi jiray Maxamed Axmed Cabdulle 15/11/2022 ku dilay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Ciidanka Booliska Qeybta Guud oo ku raad joogay eedeysanahaan ayaa duhurnimadii maanta gacanta ku dhigay xilli uu ku sugnaa Degmada Dayniile.
Taliska waxaa uu sheegay in maxkamad la horgeynayo ninkan, si loogu qaado ciqaabta fal dambiyeedka dilka ah uu ee geystay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com