Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Somalia & Yemen oo wadahadal labo geesood ah ku yeeshay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa  maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka  Arrimaha Dibedda iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo booqasho rasmi ah dalka ku jooga.

“Waxaan xarunta Wasaaradda ku yeelanay wada-xaajood labada dhinac ah oon uga wada hadalnay qadiyadaha labada dal wadaagaan sida Muwaadiniinta labada dhinac ku kala nool,  ammaanka Badda Cas iyo inaan iskaashi ka yeelano fagaarayaasha caalamiga ah, sidaasi waxaa yiri Wasiir Abshir Jaamac.

Wasiirka ayaa sheegay inuu la wadaagay dhiggiisa Yemen  sidii adkaysiga lahayd ee bulshada Soomaaliyeed uga soo gudbeen marxaladihii adkaa, isagoo u rajeeyay Shacabka iyo dowladda Yemen Ammaan iyo Xasilooni waarta.

Wasiirka ayaa yiri “Aniga iyo Wasiir Axmed Cawad waxaan kormeernay qaybo kala duwan oo wasaaradda ah sida Machadka Diblumaasiyadda iyo tababarrada iyo Maktabadda Wasaaradda”.

Soomaaliya iyo Yemen waxay wadaagaan Taariikh Facwayn oo qarniyo soo jirtay, waxaanuna hadda wadaagaynaa khibradda kasoo kabashada colaadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Magacyada) Saddex ka mid ah dalalka Islaamka oo maanta laga sooman yahay

Caydiid Ali

Sanbaloolshe oo ka hadlay Wararka sheegaya in uu taageeray Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

(Sawirro) Sidee looga ciiday degmada Jilib oo ah fariisinka ugu weyn Al-Shabaab?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---