Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay danjire Ahmed Jumca Al-Rumeysi (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u fadhiya Somalia Danjire Ahmed Jumca Al-Rumeysi

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay guud ahaan xaaladaha Hirshabelle gaar ahaan amniga, howlgallada lagu ciribtirayo kooxda alshabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle oo guulo muhiim ah laga gaaray.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale kala hadlay danjiraha dardar galinta Mashaariicda horumarinta ee dowlada Imaaraadku ka wado Soomaaliya gaar ahaan degaanada Hirshabelle ee dhowaan laga saaray Al-Shabaab.

Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u fadhiya Somalia Danjire Axmed Jumca Al-Rumeysi ayaa sheegay in dowladiisu ay taageereyso howlgalada ka socda dalka.

Waxaa uu balan-qaaday iney mashaariic horumarineed oo taageero ah ka bilaabi doonaan degaanada Al-shabaab lagala wareegay, ayna sii xoojin doonaan kuwii horey u socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Kooxda Bayern Munich oo xarun ka fureneysa dal ku yaalla Bariga Afrika

Caydiid Ali

Xildhibaan Kenyan ah oo Goob tirinta codadka ka socotay ku dilay Kaaliyaha Musharaxii la tartamayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---