Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Biixi: “Taatikadii aan ku bilownay dagaalka Al-Shabaab waanu bedelnay”

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa iney wax ka bedeleen taatikadii dagaal ee ku wajahneyd Al Shabaab, ayna arrintaas sabab u noqotay guulaha dagaalka laga gaaray.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in howlgalka Al-shabaab ee ka socda Hirshabelle iyo Galmudug uu marayo heer gebagebo ah.

“Markii hore wuxuu dagaalku ku socday deegaan qabasho iyo is-ballaarin hase ahaatee qorshaha dagaalka Muddooyinkan dambe waala bedelay, waxaana xoogga la saaray magaalooyinka muhiim ah oo ah meelaha ay adeega iyo biyaha ka helayeen, haddii magaaladii iyo ceelasha lagala wareego godad cidlo ah iney galaan imisa ayey qaadan kartaa iney ku jiraan,” ayuu yiri Jen Biixi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa xusay in xoreynta magaalooyinka waaweyn ay ahmiyad gaar ah leedahay si loo  baabi’iyo kooxda.

“Al-Shabaabka gobolka Galgaduud ku haray waa hareereysan yihiin, mana jiraan meel ay hubka iyo naftoodaba kula fakan doonaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aaday xili ciidamada dowlada oo kaashanaya dadka degaanka ay Al-shabaab kala wareegeen inta badan degaanada hoos taga gobolada Sh/dhexe, Hiiraan, ayna haatan howlgalo ka dhan ah kooxdaas gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun Adag oo lagu riday Nin doonayay in uu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo duleedka Kismaayo ku gubtay boqolaal kiish oo bur ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo caawa Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---