Allbanaadir.com
NEWS

Burcad dhac ku geysaneysay bastoolado caag ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Rag Burcad ahaa oo dadka ku dhaceyay xaafadaha ayaa caawa lagu qabtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa caawa howlgal ku soo qabtay labo ka mid ah burcadda kuwaasoo Bastoolado caag ah dadka dhac ugu geysanayey.

Labada nin ee burcadda ah ayaa lagu qabtay nawaaxiga isgoyska Degmada Howlwadaag xili ay ku guda jireen iney shacabka ka dhacaan telefanada gacanta iyo agabka kale ee qiimaha leh.

Waxaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho Howlgalka Ka dhanka ah burcadda tuugada ah ee Bulshada caasimada dhibka ku haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo soo saartay War ka farxiyey dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Wafti ka socda IGAD iyo UNSOM oo gaaray Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare oo ka horyimid shir ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---