Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo shaaciyay halka dagaalka u jihaysan doono kadib Galmudug

Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inuu meel aad u wanaagsan marayo dagaalka iyo kacdoonka dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in marka laga soo gebagebeeyo howlgalada ka socda degaanada Galmudug iyo Hirshabelle ay ku xigi doonto Koonfur galbeed.

Hadalkan ayuu Xassan Shiikh ka sheegay Munaasabada furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed oo galabta ka dhacday magaalada Baydhabo.

“Maanta halka cadow ee aynu leenahay waa argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan, Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo khawaarijta al-shabaab, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”ayuu yiri Xassan Shiikh.

Madaxweynaha Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira wax uu ugu yeeray fikirka gurracan ee argagixisanimada inay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xirsi Yuusuf Barre oo si cad uga soo horjeestay xil ka qaadis lagu sameeyey

Caydiid Ali

Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Mareykanka oo Hanjabaad culus u diray Itoobiya Shaaciyayna talaabooyinka ay qaadayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---