Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Yemen oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha dibadda dowlada dalka Yemen Dr. Axmed Cawad Bin Mubarak iyo wafdi uu horkacayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ku joogi doonaan booqasho maalmo qaadan doonta.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey Dhigiisa Soomalia Abshir Cumar  Jaamac Huruse iyo masuuliyiin kale

Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo qoraal uu arrintan kaga hadlayey soo dhigay baraha bulshada ayaa ku bilaabay sidatan:-

Waxaan maanta Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen Dr Axmed Cawad bin Mubarak oo booqasho rasmi ah oo sadex maalmood ahi uga bilaabatay dalkeenna.

Dalka Yemen oon wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah.

Inta uu wasiir Dr Axmed joogo dalkeenna waxaan wada yeelan doonnaa wadahadalo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dawladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dawladda qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Mahad Salaad oo si aan horey loo arag u difaacay Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo wacad ku martay iney fashilin doonto heshiiskii dekedaha ee Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Maraykan diinta kirishtaanka ku faafinayay Somamliland oo la qabtay & Warar kale

admin
Taboola Ads ---