Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Hore oo ka waramay guusha laga gaaray dagaalka Al-shabaab, kuna baaqay ha arrin

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku kula wareegeen degmooyinka Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer.

Al-Shabaab oo muddo dheer maamulayey degmooyinkaas ayaa isaga baxay shalay, ka hor inta aysan la wareegin ciidamada huwanta.

“Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga tacsiyaynaa dadka shacabka ahaa, saraakiisha iyo ciidamada ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarada naf-lacaariga ahaa ee kooxda Khawaarijtu ay la eegteen fariisimaha ciidamada iyo Masaajidda” ayuu yiri Mr Khayre

Xasan Cali Khayre ayaa ku baaqay in la xoojiyo halganka looga saarayo dalka kooxda Al-shabaab

“Waxaan bogaadinayaa Halganka Shacabka iyo CXDS ee deegaanadda wali gacantooda ku jira looga xoreynayo dhiig cabyada khawaarijta ah ee ummadda iyo Dalkaba naafeeyay. Waxaanna markale shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in loo midoobo cirib tirka kooxda Khawaarijta ah” ayuu sii raaciyay mudane Khayre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Mashaariic Boosaaso laga hirgaliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mooshin ay horboodayaan Xildhibaanada Hawiye oo loo gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Puntland oo mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka Agab halis ku ah nafta bini’aadamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---