Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo ka baxday gacanta Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa gabal dhicii maanta gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo degaan ahaan uu ka soo jeedo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab oo muddo fog ka talineysay degmada Ceeldheer ayaa ugu dambeyn baneeyey degmadaas, iyagoo aan dagaalamin.

Al-shabaab ayaa miinooyin ku aasay wadooyinka dhinaca Koonfureed ee laga soo galo degmada Ceeldheer, hase ahaatee ciidamada DF oo arrintaas ka war helay ayaa ka weecday jidadkaas, una wareegay dhinaca woqooyi oo ay haatan joogaan.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada huwanta aysan weli gudaha u gelin degmada Ceeldheer, ayna qorsheynayaan iney sameeyaan miino baar ka hor inta aysan gelin maalinta beri ah.

Inta badan dadka degaanka ayaa ka baxay degmada Ceeldheer ka dib markii ay sidaas ku qasbeen Al-shabaab sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada DF.

Al-Shabaab oo maanta sidoo kale lagala wareegay degmooyinka Galcad iyo Xarardheere oo ahaa fariisinkooda ugu weyn ayaa waxaa haatan gacantooda ku haray degmooyinka Ceelbuur,  Galhareeri iyo tuulooyin yar yar.

Khubarada ciidamada ayaa sheegaya in Al-shabaab aysan sii joogi karin degaanadaas, ayna ku qasban yihiin iney ka baxaan ama isku dhiibaan ciidamada huwanta, marka la eego istaraatiijiyada dagaalka, waxayna degaanadaas haatan ku jiraan wax u eg go’doon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ay joogeen Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddiga Qaran ee AML/CFT (Sawirro)

Caydiid Ali

Boolis xabsiga dhigay Nin la sheegay inuu naftiisa beecinayey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---