Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay koox burcad ah oo gaari nooca raaxda ah ka dhacday dad shacab ah, meel u dhow garoonka cayaaraha ee Eng Yariisow ee degmada Cabdicasiis.
Kooxdaan burcada ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK-47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control, halkaasoo ay ku baarteen dadkii saarnaa, iyagoo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii watay.
“Ciidanka Booliska oo xogta raggaan hayay wada shaqeyna ka helaya dadka shacabka ah ayaa iyagoo baxsad ah ku qabtay deegaanka Garasbaaley ee duuleedka magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska
Burcadaan hubaysan ayaa haatan ku jira gacanta ciidanka Ammniga, waxaana la hor geynayaa hey’adaha kale garsoorka si cadaallada loo marsiiyo sida uu sheegay taliska Booliska.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com