Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Midowga Yurub oo bogaadiyey talaabo ay qaaday dowlada Somalia

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midwga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann.

Labada dhinac ayaa intii uu kulunku socday waxay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqaynta ku qotonta danaha labo-geesoodka ah.

Ms Tina Intelmann ayaa dhankeeda ku bogaadisay dowladda Soomaaliya horumarka baaxada leh ee mudada kooban ay kaga gaadhay dagaalka khawaariijta, iyadoo tilmaantay in Midawga Yurub uu diyaar u yahay in uu dowladda Soomaaliya ka gacan siiyo xasilinta dalka.

Safiirka Midwga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann ayaa xustay guulaha ay gaareen ciidanaka xoogga dalka ay yihiin kuwo taariikhi ah.

Ciidanka Xoogga dalka oo gacan ka helaya shacab hubeysan ayaa bilihii ugu dambeeyey Al-shabaab kala wareegay dhul balaaran oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Somalia, iyadoo weli ay socdaan howlgalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ayaxa dayuurad ku qasbay iney ka laabato garoon ay ku degi laheyd (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaaf oo ka baxay heshiiskii uu la galay DF, War cusubna soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Ragii kufsiga iyo Dilka u geestay Caaisho Ilyas oo saakay mar kale Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---