Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Muqdisho oo shaaciyey iney fashiliyeen labo qarax

Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney maanta Shacabka caasimadda ka badbaadiyeen labo Miino oo ay tilmaameen iney gacanta ku dhigeen

Afhayeenka Booliska Soomaayeed Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in labada miino laga helay qeybo ka md ah degmada Dharkeynley.

“Khawaarijta ayaa maanta 2 Miino dhigtay Maqaayado ay shacabku fadhiistaan oo ku yaalo Xaafada ABA-GEDO ee Degmada Dharkeynley,  Saldhiga Boliiska Dharkeynley iyo Laanta Miino-Baarista Boliiska, ayaa fashiliyay si shacabka looga badbaadiyo” ayuu yiri Afhayeenka Boliiska.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga caasimadda , dardar gelinta dagaalka lagula jiro Al-

”Waxaan ku boorriyay saraakiisha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir  inay laban-laabaan dedaallada sugidda Amniga, Isla markaana feejignaan dheeri ah muujiyaan inta laga sifaynayo Argagaxisada guud ahaan dalka.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare xigeenka Salax Axmed Jaamac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Cali Guudlaawe & xubnaha la socday ku soo arkeen degaanka Guulane? (Sawirro)

Caydiid Ali

Gabar Soomaaliyeed oo cabitaan ay iibsatay loogu dul qoray magaca kooxda ISIS

Cabdi Cade

(Akhriso Magacyada) Madaxweyne Deni oo wareegto ku Magacaabay taliyeyaal ciidan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---