Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Afrikan ah oo ku baaqay in Xildhibaanada dalkiisa laga mamnuuco safarrada Dibadda

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa ku baaqay in la mamnuuco oo la joojiyo safarada badan ee dalka dibadiisa ku aadaan xildhibaanada baarlamanaka dalkaasi iyo qaar kamid ah shaqaalaha dowladda.

Museveni ayaa sheegay in safarada badan ee xildhibaanada iyo shaqaalaha dowladda ay ku baxaan qarashaad fara badan, waxa uuna taa badalkeeda codsaday in qarashka ku baxa safarradaas lagu maalgeliyo adeegyada muhiimka ah.

“U sheega xildhibaanada iyo shaqaalaha dowladda inay joojiyaan safarrada dibadda, lacago badan ayaa lagu luminaya safarrada dibadda halka macadka lagu barto culuumta batroolka ee Kigumba uu ka cabanayo dhaqaale la’aan” ayuu yiri Madaxweyne Museveni.

Dowladda Uganda ayaa qarashaad fara badan ku bixisa safarro iyo shirar ay dalka dibadiisa u aadaan xildhibaanada, wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda qaarkood, waxa uuna madaxweynaha dalkaasi hadda doonayaa in safaradaasi la joojiyo ama la yareeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u dhac mar kale ku yimid howlihii bixinta Baasaboorka Soomaaliga

Caydiid Ali

Qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ruushka oo Somalia soo gaarsiiyey markabkii labaad ee gargaar sida (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---