Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw galay Xarardheere

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka shabakadda Allbanaadir ayaa sheegaya in ciidanka kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab iyo Gorgor oo gacan ka helaya ciidamada deeegaanka goordhaw gudaha u galeen degmada Xarardheere.

Ciidamada huwanta ah ayaa wararku sheegayaan in dhoor jiho ka galeen degmada Xarardheere oo aheyd xaruntii ugu weyneed ee Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada wadaan howlaglo miino baaris iyo ammaan xaqiijin.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa goordhaw xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka gudaha u galeen lana wareegeen degmada Xarardheere.

Howlgalkan ciidamada huwanta ah kula wareegeen degmada Xarardheere ayaa noqonaya guushii ugu weyneed oo Galmudug ka gaarto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,. waxaana degmadii ugu horeesay oo laga bixiyo gacanta Al Shabaab.

Waxii warar kusoo kordha kala soco wararkayaga Dambe Inbsha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xafiiska waaxda Dad-dhigista ee degmooyinka qeybta Galbeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Xabaal wadareed cusub oo laga helay agagaarka Isbitaalka Al-shifa ee Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---