Ciidamada ammaanka dalka Koongada Dimuquraadiga ayaa xiray nin asalkiisu Soomaali yahay balse kasoo jeeda dalka Kenya, kaa oo loo heesto in uu ku lug lahaa qarax dad badan ku dhinteen ka dhacay kaniisad.
Ninkan Soomaali Kenyanka ah ayaa loo heestaa in uu ku lug lahaa qarax bambaano ah oo lagu weeraray kaniisad ku taalla magaalada Kasindi ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Qaraxan lagu weeraray kaniisada kutaala magaalada Kasindi ayaa sababay geerida 17-qof iyo dhaawaca dad ka badan 30-qof, waxaana qaraxaasi ciidamada ammaanka Congo u xireen dad badan oo la tuhmayo.
Afhayeen u hadlay militeriga Dr Congo ayaa sheegay in qof lagu tuhmayo in qaraxa ka dambeeyay saacado kaddib markii uu qaraxa dhacay lagu xiray xadka magaalada Kasindi xilli uu kasii baxayay.
Wargeyska Daily Nation oo soo xiganayo ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa ku warramay in nin 29 jir ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad loo qabtay weerarka, ninkan ayaa kasoo jeedaa magaalada Wajeer, sida uu xusay wargeyska.
Qaraxa ka dhacay kaniisadda kutaalla Kasindi waxaa si kulul u cambaareeyay Madaxweynaha Dr Congo, Felix Tshisekedi , waxa uuna maadxweynaha ku hanjabay in cadaaladda degdeg loo soo taagi doono dadkii qaraxaasi ka dambeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com