Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Warar cusub oo ka soo kordhay shilkii dayuuradeed ee ka dhacay Nepal (Sawirro)

Ugu yaraan 68 qof ayaa ku dhintay Axadii markii diyaarad maxalli ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Yeti Airlines ay ku burburtay Pokhara ee dalka Nepal, shilkii diyaaradeed ee ugu xumaa muddo soddon sano ah oo ka dhaca dalka yar ee Himalaya.

Boqolaal ka mid ah shaqaalaha gurmadka ayaa soo indha indheeyay buurta ay ku dhacday diyaaradii siday 72 qof oo ka soo duushay caasimadda Kathmandu. Saraakiisha ayaa goor dambe oo maqribnimo ah joojiyay howlihii baaritaannada ee maalintaas, iyagoo sheegay in ay dib u bilaaban doonaan maalinta Isniinta ah.

Shaqaalaha gurmadka ayaa helay labo ka mid ah rakaabkii dayuuradii saarnaa oo qabay dhaawacyo halis ah, waxaana loola cararay isbitaalada iyadoo xaaladoodu liidatay.

Muuqaallada TV-ga maxalliga ah ayaa mar sii horreysay muujinayay shaqaalaha gurmadka oo ku dul wareegaya qaybo ka mid ah diyaaradda. Qaar ka mid ah dhulka u dhow goobta uu shilku ka dhacay ayaa gubtay, iyadoo ay ka muuqdaan olol.

Cimiladu waxay ahayd mid nadiif ah, mana jirto wax calaamad ah oo ku saabsan waxa sababay shilkan.

Waxa uu ahaa shilkii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa tan iyo 1992-kii, xogta Shabakadda Badbaadada Duullimaadka ayaa muujisay, markii diyaaradda Pakistan International Airlines Airbus A300 ay ku burburtay buur ku dhow Kathmandu, halkaasoo ay ku dhinteen dhammaan 167 qof oo saarnaa.

Ku dhawaad 350 qof ayaa ku dhintay tan iyo sanadkii 2000 shil diyaaradeed ama helikobter ka dhacay dalka Nepal – oo ay ku yaalaan sideed ka mid ah 14ka buurood ee aduunka ugu dheer, oo ay ku jiraan Everest – halkaas oo isbedel cimilo oo lama filaan ah ay keeni karto xaalado halis ah.

Midowga Yurub ayaa hawadeeda ka mamnuucay shirkadaha diyaaradaha ee Nepal tan iyo sanadkii 2013-kii, sababo dhanka ammaanka ah.

Diyaaradda ayaa xiriir la sameysay garoonka diyaaradaha ee Pokhara iyadoo ka timid Seti Gorge 10:50 a.m. (0505 GMT), Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka ayaa bayaan ku sheegtay. “Markaa ka dib way burburtay.” Ugu yaraan 68 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, sida la sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Shiikh oo billad sharaf Qaran gudoonsiiyay dhiggiisa Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Villa Somalia oo war ka soo saartay shirka u furmaya Madaxda DF, Jubbaland & Puntland

Caydiid Ali

Kenya oo loogu baaqay in ay qabato Cabdirashiid Janan una gudbiso dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---