Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Sargaal katirsan Al Shabaab iyo Saanad uu waday oo gacanta u galay ciidanka Dowladda

Ciidanka milatariga dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa wada howlgalo balaaran oo Al Shabaab looga saarayo deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud .

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka saakay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Baraag Sheekh Caamir oo katirsan gobolka Galgaduud .

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee la wareegay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ayaa wada howlgalo ay ammaanka ku xaqiijinayaan, waxaana la sheegay in ciidamada ay baacsanayaan dagaalyahanadii laga qabsadau deegaanka.

Sida ay baahiyeen warbaahinta afka dowladda ku hadasha ciidamada dowladda ee la wareegay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ayaa gacanta ku dhigay sargaal la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Ninkan ayaa warbaahinta dowladda sheegeen xilliga la qabanayay in uu saanad milatari u waday dagaalyahanadii Al Shabaab ee lagala wareegay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee katirsan Galgaduud.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug oo Al Shabaab wali heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Guddiga dib u furista Wadooyinka xiran (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Nin qarax ka geysan rabay Muqdisho oo la toogtay & qof rayid ah oo la dilay

Caydiid Ali

RW Rooble oo caawa kulan xasaasi la qaatay Madaxda dowlad Goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---