Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta dalka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid guddiga diyaarinta wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka.

Guddigan uu maanta magacaabay Madaxweynaha Puntland  Siciid Deni ayaa la filayaa in ay wada xaajood kala gelaan xubno katirsan dowladda federaalka Soomaaliya arrimaha la xariira federaaleynta ee dalka.

Magacaabista guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni ayaa imaaneysa xilli uu dhawwaan shaaciyay in Puntland tahay dowlad madax bannaan inta xal laga gaarayo arrimaha federaaleynta loona qaadayo afti dadweyne.

Wareegtada Madaxweyne Deni soo saaray ayaa u qorneed siad tan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta Dalka.

Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 9-kii Jan 2023 Madaxtooyada Puntland.

Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.
Waxuu Xeeriyey:

Magacaabida Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.

Guddiga Goleyaasha Dowladda:

1. Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye
2. Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen
3. Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin
4. Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin
5. Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
6. Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin
7. Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin
8. Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin
9. Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin
10. Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin
11. Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin
12. Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin
13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin

Guddiga Khubarada:

1. Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye
2. Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen
3. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin
4. Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin
5. Md. Axmed Abshir Faarax Xubin
6. Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin
7. Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin
8. Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin
9. Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Xabsiga kasii deysay Maxaabiis badan oo katirsan ONLF (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiir Cawad oo Munaasabad afurin ah u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka (Sawirro)

Caydiid Ali

Hooyada Dhashay Gabadhii dilka iyo Kufsiga loogu geestay Gaalkacyo oo dalbatay in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---