Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Dagaal adag gobolka Hiiraan kula soo galay Al Shabaab oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeesan oo loo maleenayo in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab ayaa saakay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sargaalkan saakay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Muumin Cilmi (Saney), waxa uuna soo noqday taliyahii ururka 41aad, guutadda shannaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay waxaa baxsaday kooxdii hubeesneed ee sargaalkan saakay ku dilay Muqdisho, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray oo baaritaano aan natiijo kasoo bixin ka sameeyay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Sargaalkan saakay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa saraakiishii milatariga ee hoggaamineysay ciidankii Al Shabaab dagaalka adag kula galay gobolka Hiiraan kana saaray deegaanno badan oo katirsan gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin iyo Wafdi la socday oo laga reebay Diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd

Cabdi Cade

Sidee Midowga Musharraxiinta u arkaan baaqashada dibed-baxii la qaban lahaa beri?

Caydiid Ali

Wasiir Beyle oo shaaciyey xiliga IMF ku dhawaaqeyso cafinta deynta Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---