Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab iyo Gorgor oo la wareegay Deegaan katirsan gobolka Galgaduud (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor oo ay wehliyaan ciidamo deegaanka ah ayaa maanta la wareegay deegaanka Cali Heele oo hoos-taga degmadda Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya ciidamada huwanta ah ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Cali Heele , kaddib markii halkaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi.

Ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor ayaa deegaanka hoostaga degmada Ceeldheer kawada howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, waxa ayna ciidanka wadaan baaritaano miino baaris ah.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay horey u sii socon doonaan uuna yahay ujeedkooda in ay la wareegaam degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ,halkaas oo sannado badan fariisimo weyn u aheyd Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabulka howlgalo ballaaran ay ku dooneyso in Al Shabaab looga saaro degmooyinka ay ka joogaan gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana qorshaha ugu horeeya yahay degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Booliska DF oo War ka soo saaray halka uu marayo kiiska dilkii Xamdi Maxamed

Caydiid Ali

Qof kale oo loo xiray dilkii argagaxa lahaa ee loo geestay Deeqa Cabdinuur

Cabdi Cade

Madaxwewyne Deni oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---