Dalka Itoobiya ayaa si weyn looga hadal hayaa dhacdo ay ku baxsadeen maxaabiis ku xirneed xabsi ammaankiisa si weyn loo ilaaliyo oo kuyaalla magaalada Alaba ee koonfurta-galbeed ee dalka Itoobiya.
Maxaabiista xabsiga ka baxsatay oo gaarayay ilaa afar nin ayaa la sheegay in ilaalada xabsiga ku weerareen oo indhaha uga shubeen budo basbaas ah, waxaana maxaabiista u suurto gashay in xabsiga bannaanka uga baxaan.
Ciidamada ilaalada xabsiga oo si degdeg ah uga falceliyay dhacdadan ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah maxaabiista baxsaday halka mid kalana ay dhaawaceen, waxaana baxsad ku maqan oo la raadinayaa labo maxbuus oo kale.
Taliye ku xigeenka booliiska maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Itoobiya, Taaju Negash ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanka raadinayaan maxaabiista baxsatay, waxa uuna xusay in ciidamada midna dileen midka kalana dhaawaceen.
Waxa uu sidoo kale sheegay Taaju Negash in maxbuuska baxsaday uu bambaano ku weeraray ciidamada ilaalada xabsiga intii ay ku guda jireen baxsashada,mana sheegin taliyaha halka ay maxaabiistan ka heleen bambada iyo basbaaska ay adeegsadeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com